Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd safarkiisii ugu horreeyey ee gudaha dalka ku tagay magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah maamulka Koofur Galbeed.
Safarkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay socdaal uu madaxweynuhu ku tegi doono maamul goboeedyada oo loogu magacdaray “Tareenka Nabaddaâ€.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku marayo booqashadiisa sidoo kale diiradda saari doono arrimo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta, abaaraha, iyo xasillooni siyaasadeed.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada ee xilka kasii degaya iyo xildhibaanno.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladda caleemo-saarkiisa ay ka dhici doontaa magaalada Muqdishu 9-ka bisha Juun, xafladdaasi oo la filayo inay kasoo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.