Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Go’aan uu ku kala diray dhammaan Guddiyadii kasoo shaqeeyay doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka qabsoomay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu kala diray Guddiyadii doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Guddigii Xallinta Khilaafaadka, kuwaasi oo ka shaqeeyay doorashooyinkii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa u mahadceliyay Guddiyaddii doorashada dadban, isla markaana waxaa uu ku boggaadiyay sidii wanaagsanayd ee ay u guteen Waajibaadkoodii ee loo idmaday ee ahaa qabashada doorashadooyinkii dhacay.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu caddeeyay in kuraasta Baarlamaanka ay Guddiyada Go’aamiyeen in dib loogu laabto doorashooda ay maamulayaan Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, iyada oo la raacayo habraacyadii hore.
Go’aanka uu qaatay Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo aaday, iyada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in xubno tirsan Guddiga doorashada iyo Ergo ka socotay Fahad Yaasiin uu wada-hadal u socday maalmihii lasoo dhaafay, kuna aadanaa kursiga #HOP086.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka uu soo saaray RW Rooble.