Wararka aan ka heleyno degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Somaliland, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay deegaano dhow Boocame dhaq-dhaqaaqyo ka waday.
Ciidanka Somaliland oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa gudaha u galay degmada Boocame, isla markaana la wareegay gacan ku heynta degmadaas, sidoo kalena la sheegay in Calanka Somaliland laga taagay Xarunta degmada iyo Saldhiga Ciidanka.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay Ciidanka Milateriga ee qabsadaay Boocame ay halkaas ka sameeyeen dabaal-degyo ku saabsan Xuska 18-ka May oo Somaliland u aqoonsan tahay in ka Go’day Soomaaliya inteeda kale.
Ciidamada Somaliland ayaa labadii sano ee u danbaysay la tilmaamay inay wadeen qorshe ay ku doonayaan inay ku qabsadaan degmada Boocame, waana degmada ee Gobolka Sool Somaliland gacanteeda ka maqneyd.
Maamulka Puntland ayaan weli illaa iyo hadda ka hadlin qabashada Ciidamada Maamulka Somaliland ee Boocame, labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa hore u dhexmaray dagaal dhaliyey khasaaro kala duwan.