Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac iyo Saraakiil kale.
Taliyaha ayaa durbadii waxaa uu kulan Magaalada Dhuusamareeb kula yeeshay Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka, waxaana kulanka looga hadlaayay amniga deegaanada Maamulka iyo kan Caasimadda.
Taliye Col. Xasan Jaamac ayaa ku amray Ciidamadiisa Dhuusamareeb jooga in saraakiishoodu si joogta ah ula shaqeeyaan Ciidanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku howlan sidii loo xaqiijin lahaa amniga Dhuusamareeb.
Kulankan ayaa waxaa qeyb ahaa Taliyaha qaybta 21-aad ee xooga dalka Jeneraal Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo beegsaday, iyada oo saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegayay in Ahlusunna Waljameeca ay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabeen deegaanka Bahol ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ku sugan yihiin hoggaanka sare ee Ahlusunna.