Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Barta Koontarool ee lagu hubiyo gaadiidka aada Garoonka diyaaradaha Aadan ee Muqdisho.
Afhayeen Cabdifitaax Aadan oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegay qaraxii dhacay lala beegsaday Gaari uu saarnaa Jeneraal lagu magacaabo Garabey oo ka tirsan Ciidanka dowladda, kaasi oo xiligii la qarxinayay taagnaa barta Koontarool.
Wuxuu xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka Booliska in qaraxa uu geystay khasaaro dhaawacyo ah, isla markaana 7 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan Darawalo Mooto Bajaaj  ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalo ku yaalla Caasimadda.
Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa intaas kusii daray in Jeneraal Garabey uu ka badbaaday qaraxa lala beegsaday, maadaama uu saarnaa Gaari aan xabada karin, hayeeshee Sawirro laga soo qaaday gaariga ayaa muujiyay burbur gaaray.
Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir Seynab Maxamuud Xaabsey ayaa sheegtay inay ka badbaaday qaraxii Maanta ka dhacay Barta Koontarool ee lagu hubiyo gaadiidka aada Garoonka diyaaradaha Aadan ee Muqdisho.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu dhacay ayaa muujiyay burbur gaaray gaadiid taagnaa barta Koontarool ee lagu hubiyo gaadiidka aada dhanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana sidoo kale la arkayay Mooto Bajaajto burbursan iyo biro dhulka daad-san.
Si kastaba Qaraxaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Maanta Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay hadal-jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya..