Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf oo ku taalla gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay ku dileen illaa 30 askari oo u dhashay dalka Burundi.
War-saxaafadeed ay soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku nafwaayey weerarkaas, gaar ahaan dawladda iyo shacabka dalka Burundi, waxayna u rajeeyeen caafimaad degdeg ah xubnaha uu dhaawacu soo gaadhay.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dadaalka ay wadaan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ATMIS ee ay ku doonayaan inay kaga hortagaan Khatarta ururka Alshabaab. Golaha Ammaanka ayaa si gaar ah u tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha illaa hadda laga gaadhay Soomaaliya iyo weliba kor u qaadista taageerada loo fidinayo Ciidamada Amniga ee Soomaaliya iyo ATMIS.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, maalgeliyayaasha iyo kuwa lacagaha ku bixiya falalka argagixisanimada ah, lana horkeeno sharciga.
War-saxaafadeedka ay soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa intaas ku sii daray “Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxa ay markale ku celiyeen in dhammaan falalka argagixisanimadu ay yihiin dambiyo aan qiil loo raadin karin, iyada oo aan loo eegayn waxa ku kallifay, Meesha laga geystey, goorta la geystay iyo cidda geysatay.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale sheegay in ay ixtiraamayaan Madaxbanaanida siyaasadeed, dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.