Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa qeybta 27-aad ee Ciidamada Magaaladaas ka howlgala.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga ay dileen rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolad, kuwaasi oo rasaas dhowr ah qeybaha sare ee jirka uga dhuftay Askariga Ciidanka dowladda, kadibna ku geeriyooday goobta uu falku ka dhaca.
Magaca Askariga la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shuute Cabdullaahi, isla markaana waxaa goobta uu dilka ka dhacay ka baxsaday dadkii ka dambeeyay dilkaas, waxaana sida cadaadada aheyd halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka.
Ciidamada ayaa Meydka Askariga la dilay ee Shuute Cabdullaahi ka qaaday goobta, waxaana wararka intaas ay kusii darayaan inay sameeyeen Ciidamada howlgal lagu baadi goobayo kooxihii geystay falka, in kastoo aan lagu guuleysan in lasoo qabto.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan rag hubeysan, waxaana hore Magaaladaas loogu dilay Askar, mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Hirshabeelle iyo xubno kale.