Howlgallo qorsheysan oo Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan ururka 84-aad, guutada 14-ka October ay ka fuliyeen degaano u dhow deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose, ayay sheegeen in ay Gacanta ku soo dhigeen xubin ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Abaanduulaha ururka 84-aad ee guutada 14-ka October labo xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo howlgalka hogaaminayay ayaa warbaahinta u sheegay in Ruuxa ay gacanta ku soo dhigeen uu Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta Sahanka, sidoo kalena ay kuwadaan baaritaano dheeraad ah.
Intii uu Howlgalka socday ayay Ciidamadu sheegen in ay  burburiyeen Maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen tuulooyinka hoos taga magaalada Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.