Madaxweynaha Dowlaad Goboledka Puntland Siciid cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa kulan Xasaasi ah waxaa uu la yeeshay Musharrax Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.
Kulanka dhexe maray Labada Musharrax Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweyne hore iyo Musharrax Siciid Deni Madaxweynaha Puntland la xiriiray xaaladda Siyaasadda dalka ayaa lagu gorfeynayaa arrimaha doorashada gaba gabada ah iyo isbeddelka siyaasadeed ee la filayo.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay Muqdisho soo gaaray,waxaana u jeedka uu safarkiisu daaaran yahay uu yahay arrimo laxariira Ola-lihiisa Musharraxnimo.
Si weyn ayaa Caasimadda loogu soodhaweeyay, waxaana uu Caasimadda ka billaabay kulamo siyaasadeed, iyadoo horay uu ugu dhawaaqay inuu yahay Musharrax u taagan Xilka madaxweynaha Soomaaliya.