Musharraxa ugu cad-cad Xubnaha u tartamaya Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Adan Madoobe) ayaa shaaciyay inuu iska Casilay Xilkii uu ka hayay mid ka mdi ah xisbi siyaasadeedyada ka jira dalka.
Sheekh Adan Madoobe  oo ka mid ah musharixiina ugu cad cad xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta shaaciyay inuu iska casilay xilkii Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Himilo Qaran.
Sida uu dhigayo sharcigu qof walba oo raba inuu u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa laga rabaa inuu iska casilo xilka uu ka hayo xisbiga uu ka tirsanyahay, waxaana Sheekh Adan Madoobe uu u hoggaansamay sharciga sida uu sheegay.
Sheekh Aadan Madoobe oo horey u soo hoggaamiyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale heysta fursad xoogan oo uu ku hoggamin karo Golaha shacabka, waxaana uu xil ka hayay Xisbiga hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.