Waxaa la filayaa in ay manta si toos ah u billaabato diiwaan galinta Xubnaha Musharixiinta ah ee doonaya in ay u tartamaan Guddoonka sare ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.
Maanta oo Talaado ah taariikhduna ay ku began tahay ayaa lagu wadaa in xubnaha danaynaya Guddoonka iyo labada ku xigeen ay isi-diiwaan galiyaan, maaddaama Jadwalkii shalay ay soo saaareen Guddiga qaban-qaaabda dooarshada laabda Gole ay sheegeen in 19-ka bisha oo manta ah ay billaaban doonto Diiwaan galintu.
Sidoo kale Aqalka sare ayaa si toos ah u billaabaya Diiwaan galinta Musharixiinta doonaya in ay isku soo taagaan qabashada Xilka Guddoonka aqalka sare.
Qoraal kasoo baxay Xalay Aqalka sare wee Baarlamaanka 11aad ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta ay billaabayaan diiwaan galinta, ayna u furan tahay ciddii doonaysa in ay tartanto.
“19 April 2022, Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu bilaabayaa Diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya xilka Guddoonka Golaha Aqalka Sare†ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo kasoo baxay Aqalka sare.