Larycia Alaine Hawkins oo bare ka ah Kolejka lagu magacaabo Wheaton College oo ku yaalla Gobalka Illinoys ee dalka Maraykanka ayaa laga joojiyey shaqada, kadib, markii ay barteeda Facebook soo dhigtay Erayo ay ku taageerayso Islaamka.
Macallimadda oo Cilmiga Siyaasadda ee Political Science  ka dhigta Wheaton College waxay kaloo xirataa Qamaarka iyo Xijaabka Haweenka Muslimiinta, iyadoo sheegtay inay Tallaabadaasi ku muujinayso Taageeradda Aadminimo ee ay u hayso Ummadda Islaamka.
Ku-dhawaad 100 qof ayaa isugu soo baxay Kambaska Kolejka iyagoo taageero u muujinaya Macallimadda, waxayna qaarkood xirnaayeen Jilbaab.
Guddoomiyaha Wheaton College, Philip Ryken ayaa sheegay inaysan Xayiraadda ka qaadi doonin Macallimadda, mana cadda muddada ay ka sii maqnaan doonto shaqada.
Ku-dhawaad 40-arday ayaa ka codsatay Guddoomiyaha inuu ka laabto Go’aankaasi, balse weli looma soo jawaabin.
Larycia Alaine Hawkins oo 43-jir Maraykan Madow ah waxay bishan December 10-dii soo dhigtay barteeda Facebook, iyadoo xiran Xijaab, waxaana Sawirkaasi jeclaaday oo  (Like) dhahay ay boqolaal qof, kuwo kalena wey bogaadiyeen.
“Waxaan u istagay inaan deriskayga Muslimiinta ah u muujiyo Midnimo Aadminimo, waayo isku qaab ayaa naloo abuuray, waxaan u istaagay inaan Taageero Diin u muujiyo Muslimiinta, waayo Annaga ayey nala mid yihiinâ€ayey tiri.
Waxay intaasi ku dartay inay Taageeradaasi tahay mid ka imaanayso Ruuxa Shaqsiyad ahaaneed, waa sida ay hadalka u tiri.
Larycia Alaine Hawkins waxay kaloo sheegtay inay Xijaabka ku muujinayso Taageeradda ay u hayso Dadka Muslimiinta ku nool Maraykanka, kuwaasi oo cabsi dareemay wixii ka dambeeyey toogashadii ka kala dhacay magaalladda San Bernardino ee Gobalka California iyo tii caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.
Professor Larycia Alaine Hawkins waxay ugu dambeyntii sheegtay inay qorsheynayso inay Labiska Xijaabka ku labisato meel kasta ilaa laga gaarayo Christmas-ka.
Waxay kaloo sheegtay iyadoo Labisan  Xijaabka  inay raaci doonto Duullimaadkeeda ay ku tegayso magaalladda ay ka soo jeedo ee Oklahama.
Mid ka mid ah Ardaydeeda ayaa codsaday in dhamaan Gabdhaha Ardayda ee ay wax u dhigto Macallimadda Prof. Larycia Alaine Hawkins inay xirtaan Jalbaabka marka ay Diyaaradda u raacayaan Degaanadooda Xafladda Sannadka Cusub.
Ugu dambeyntii, Golaha Xiriirka Islaamka Maraykanka oo wax laga weydiiyey Tallaabadda ay Haweeneydaas aan Muslimka ahayn ku xiratay ayaa sheegay inuusan go’aankeeda wax u dhimi karin Dareenka qof kasta oo Muslim ah.
Shabakadaha isku-xirka Bulshadda ayaana Taageero loogu muujinayaa Haweeneydaasi shaacisay inay taageersan tahay Muslimiinta.
© Radio Dalsan