Madaxwaynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye oo uu wehlinayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Xildhibaanada dooran ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu doortay Koofur Galbeed.
Kulankaan ayaa ujeedkiisu yahay xal u helidda dhameystirka hanaanka doorashada oo maraya heer gebogebo ah iyo sidii Xildhibaanada dooran uga qeyb gali lahaayeen munaasabadda dhaarinta Baarlamaanka 11-aad.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Xildhibaanada Maamulkaas ayaa Madaxweyne Qoorqoor la wadaagay cabashada ay qabaan iyo Go’aankooda ku aadan dhammeeystirka doorashada.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wada dadaalo kala duwan oo uu ku xalinayo khilaafka soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Lafta-gareen ee salka ku haaya doorashooyinka, si Xildhibaanada KGS u qaatan shahaadada.
Koonfur Galbeed ayaa joojisay wadashaqeyntii Arrimaha doorashada ee kala dhexeeysay Rooble, waxaana Madaxweynaha Maamulkaas uu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu isbaaro u dhigtay Xildhibaanada KGS, isla markaana aysan aqabali doonin arrintaas.