Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Iska horimaad Ciidamo ka wada tirsan Nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmaray Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen iska horimaadka Ciidamada dhexmaray uu ka dambeeyay, kadib markii Askar ka wada tirsan NISA Marka ay is dhaafsadeen hadalo xanaf leh oo keenay dagaalka dhacay.
Inta la xaqiijiyey Sadex ruux oo ay ku jiraan laba askari oo Ciidanka Nabadsugida ka tirsan iyo qof shacab ah ayaa ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay Marka, waxaana markii dambe xaaladda kusoo laabatay si caadi ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan guutada 14-ka Octoober ee ku sugan Magaalada Marka iyo Taliyaha Nabadsugidda Magaaladaas ayaa ku guuleystay inay Ciidanka kala dhex galaan xaaladana ay dejiyaan.
Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleyno Marka ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda goobta lagu dagaalamay ay degan tahay, isla markaana isku socodka dadka iyo gaadiidka si caadi ah u shaqeynayaan, sidoo kalena la dejiyay xiisada ka taagneyd Magaalada.