Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee dalka looga eryey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira.
War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aanka uu qaatay Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa mid loo baahnaa oo si ka fiirsi leh looga baaraan degay, si loo xaqiijiyo madaxbanaanida dalka.
Midowga ayaa mar labaad ka dalbaday Francisco Madeira inuu dhex-dhexaad ka noqdo Arrimaha siyaasadda dalka, iyagoo hore dacwad Qoraal ka dhan ah u gudbiyey Midowga Afrika gaar ahaan Golaha Nabadgalyada iyo Amniga.
Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa Ururka Midowga Afrika uga mahadceliyay dadaalada ay ka wadaan Soomaaliya, iyagoona ku boorriyey inay soo nagacaaban Ergey cusub oo xoojinaya xiriirka Soomaaliya, isla markaana dhex-dhexaad ka noqonaya siyaasadda dalka.
Hoos ka Akhriso Warka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta