Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Isla guddiga.
Kulanka ayaa ku aaddanaa sidii Guddiga ay warbixin uga siinlahaayeen hannaanka doorashada Soomaaliya.
James Swan ayaa  Waxa uu ku boorriyey Guddiga in ay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi ee Guddigu aysan siin shahaadooyinka si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan dib u sii dhicin.
Kulanka ayaa imaanaya iyadoo uu taagan yahay Khilaaf xooggan oo ku aaddan arrimaha doorashada dalka, gaar ahaan qaar ka mid ah kuraasta Golaha shacabka.