Dadka degmada Mustaxiil ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed ayaaa ka walaacsan digniin laga soo saaray daadad ka dhalan kara roobabka gu’ga, oo si weyn uga da’ay degaanadaasi.
Iyadoo dowladda deegaanka Soomaalida ay ka digtay fatahaado ka dhalan kara roobabka gu’ga ee dhawaan la filayo in ay halkaa ka da’aan, ayaa dadka ku dhaqan degmada Mustaxiil ee gobalka Shabeelle waxaa ay walaac ka muujinayaa arrintaa maadama degmadaas iyo deegaannada hoos yimaada.
Waxaana dadku sheegeen in ay dhibaatooyin joogta ah kala kulmayeen xilliyada roobka oo wabigu fataho sidoo kalana ay ku soo rogmadaan daadad kaga yimaada dhulka sare ee Itoobiya.
Dhibaatooyinka mar walba gaara dadka waxaa ka mid ah dalagyada beeraha oo baaba barakac iyo cudurro.