Faah faahino ayaa laga helayaa Rag ka tirsan Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Xerada Maslax ee ku taalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir.
Taliska Ciidanka Booliska Haramcad ayaa sheegay inay gurmad u sameeyeen Ciidamada AMISOM oo ay weerareen Al-shabaab, isla markaan iska horimaad kooban uu dhexmaray labada dhinac, wallow markii dambe xaaladda si caadi ah kusoo laabatay.
Dad ayaa waxaa kusoo warrameen in weerarka kahor la maqlay juga xoogan, kadibna uu xigtay rasaas farabadan oo la isdhaafsaday, isla markaana Xerada Maslaxa ay tageen Ciidamada Booliska Haramcad oo u gurmaday Ciidamada AMISOM.
Lama khasaaraha ka dhashay weerarka Al-shaabab ay ku qaadeen Xerada ay degan yihiin AMISOM, sidoo kalena ma jiro wax faah faahin ah oo Saraakiisha Ciidamada Booliska Haramcad ka bixiyeen weerarkaas xalay ka dhacay degmada Hiliwaa.
Qaar kamid ah dadka deeganka ayaa waxaa ay sheegeen inay dareemen cabsi la xiriirta weerarka, isla markaana saacad kadib weerarka dhacay ay xaaladda aaga Xerada Maslaxa ee degmada Hiliwaa caadi kusoo laabatay…
Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday Saldhigyo Magaalada Muqdisho ay ku leeyihiin Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, waxaana weerarada qaarkood ay ahaayeen kuwo khasaaro kaal duwan dhaliyey…