Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda.
Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne,
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu bandhigay muhiimadda ay leedahay in Ciidamadu ay kordhiyaan howl-galladooda iyo feejignaantooda, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho ayna nagu soo wajahantahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, in loo dhimriyo Shacabka Soomaaliyeed xilliyada ay ciidammadu samaynayaan hawlgallada lagu sugayo amniga.
Sidoo kale, la xoojiyo wadashaqeynta iyo is-dhexgalka Hay’adaha Ammaanka iyo Bulshada, si kor loogu qaado wadashaqaynta iyo kalsoonida shacabku ay ku qabo ciidammadooda geesiyaasha ah.