Taliska Booliska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaaladaas, qaraxyada oo geystay khasaaro farabadan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.
Ku-simaha Taliyaha ahna Taliye ku-xigeenka Saldhiga Baladweyne Bashiir Cadaani oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa koowaad oo uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.
Wuxuu Taliyaha xaqiijiyay in qaraxa labaad oo ka dhacay afaafka hore Saldhiga Baladweyne uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana uu ku dhintay Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul, siyaasiyiin, Askar iyo dad badan oo shacab ahaa, kuwaasi oo goobta ka adhawaa.
Taliye Bashiir Cadaani ayaa sheegay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ay ku xaqiijinayaan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xalay dhacay, isagoona xusay in dhibaato weyn ka dhacday Magaalada oo uu burburay Isbitaal guud ee Baladweyne.
Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay inay jiraan dad howlgalo lagu qabtay oo ay ku wadaan baaritaano, isla markaana wixii faah faahin ah oo ku aadan baaritaanka iyo khasaaraha ay dib Warbaahinta ula wadaagi doonaan.
Dad ku dhow 20 qof oo ay ku jirtay Xildhibaan Aamina, Mas’uuliyiin iyo dad kale oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Baladweyne, halka dad kalena oo farabadan ay dhaawacyo kasoo gaareen falalkaas oo burburiyey dhismayaal dhowr ah.