Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay kulan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka kulan kula qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, kuwaasi dhawaan lagu doortay Galmudug.
Kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid isugu jiray casha sharaf iyo soo dhaweyn uu Madaxweynaha Maamulka u sameeynayey Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay iska xog-wareysteen xaaladda Galmudug.
Warar la helayo ayaa sidoo kalena sheegaya in kulanka inta uu socday looga hadlay Arrimaha doorashada dalka, wuxuuna Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu Xildhibaanada ugu hambalyeeyay dhammaantood guushii ay ka gaareen doorashooyinkii dhacay.
Sidoo kale Xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay Galmudug ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uga mahadceliyay doorta uu ka qaaday qabsoomida doorashooyinka dalka, isla markaana boggaadiyey kaalinta Galmudug ee siyaasadda dalka.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhawaan soo gaba-gabeeysay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona doorashada kusoo dhammeeyay waqtigii loogu tala-galay oo aheyd 15-kii bishaan Maarso.