Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday qaybo ka mid ah Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, Xili uu socdo dagaal toos ah oo u dhexeeya Kooxdii weerarka soo qaadday iyi Ciidabka AMISOM.
Dhawaqa rasaasta ayaa la maqlayan, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub aad u culus, iyadoo Xubnaha dagaalka soo qaaday ay kasoo galeen dhanka Madiina Gate.
Dhammaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa la hakiyay, kaddib markii dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen garoonka.
Mas’uuliyiinta garoonka ayaa la sheegayaa in ay joojiyen dhammaan duulimaadyadii garoonka, waxaana hadda xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.
Halkaan kala soco wixii kasoo kordha.