Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa shaaciyay inuu ka haray tartanka doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP069 Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.
Qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Alcadaala ayuu si hordhac ah ugu sii hambalyeeyay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga HOP069 Golaha Shacabka, isla markaana haatan u sharaxan kursigiisa uu ku fadhiyey.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii mudada labada sanno aheyd ee kala shaqeynayey ololaha uu ugu jiray tartanka kursiga Golaha Shacabka iyo taageerayaashiisa kala duwan ee dhanka Warbaahinta.
“Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa Adeerkeey Abdurahman Mohamed Hussein oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta Sano ee soo socota insha allaah. Waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga.Waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda kala duwan oo aan leeyahay waad mahadsantihiin†ayuu yiri Cabdiraxmaan Alcadaala.
Wuxuu intaas kusii daray Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda oo Qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay “wuu soconayaa insha allaah. Dhamaanteen waan guulaysanay. Gacmaha ayaan isqabsanaynaa horay ayaanan usoconaynaa insha allaahâ€.
Doorashada kursiga HOP069 Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Gaalkacyo ka dhacdo maalinta berri oo Axad ah, waxaana kursigaas kusoo baxaya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey.