Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaaro gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, xili doorasho ay ka socoto Magaaladaasi.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada Magaalada Baladweyne iyo Ciidamo kale oo malleyshiyaad ah, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada Malleyshiyaadka ah ay ka caraysan yihiin kursi ka mid ah Golaha shacabka oo sida la sheegay loo xiray shaqsi.
Kursiga Hope010 ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay xiisaddu, waxaana dagaalku uu ka dhacay sida wararka aynu ku helnay afafka hore ee Xarunta looga arrimiyo maamulka Gobolka Hiiraan.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in dagaalkaasi ay ku dhintay hal Askarui, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.
Lama xaqiijin khasaaraha kale eek a dhashay dagaalka,waxaana dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in dagaalku uu ahaa mid xooggan, oo ay macquul tahay in dagaalku intaa ka khasaro badan yahay.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo hay adaha ammaanka wax war ah kama soo saarin dagaalka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in hadda xaaladdu deggan tahay.