Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa degmada Abdiaziz uga qeyb galay ololaha wacyigalinta ka hortaga isticmaalka Maandooriyaha oo si si guud uga socda Caasimadda.
Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaanada laba aqal ee heer federal Gudoomiyaasha degmooyinka iyo, agaasimayaal katirsan dowlada hoose ee Xamar, saraakiil Amni iyo qeybaha bulshada rayidka.
Gudoomiye Cumar Filish oo la dardaarmaye bulshada Caasimadda iyo maamulada degmooyinka ayaa waxa uu sheegay in Maandooriyaha uu halis ku yahay jiritaanka umadda iyo xasiloonidii magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay laba jibbaareen la dagaalanka maandooriyaha, ayna gacanta kusoo dhigeen goobo ka mid ah Caasimadda oo lagu iibin jiray noocyada kala duwan ee maandooriyaha.
Waxaana uu digniin culus u diray dadka ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada, taasi oo dhibaato weyn ku haysa bulshada Caasimadda.