Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo jimco ah soo saartay farriin ku socota Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u badan Ardayda ee ku sugan Ukraine oo ay ku dagaalamayaan Ruushka iyo Ukraine.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ammaanka dalka Ukraine uu isku bedelay si xowli ah, xili ay halkaas ku sugan yihiin Arday Soomaaliyeed oo farabadan.
Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ardaydu in ay la soo xiriiraan Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin, si loo soo daad gureeyo.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyada oo ka duulayo xaaladda ammaanka ee Ukraine oo si xawli ah isu beddeshay, waxay kula talisay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ardaydu in ay la soo xiriiraan Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin si loo soo daad gureeyo” ayaa lagu yiri Qoraalka dowladda.
Dalka Ukraine ayaa waxaa ka socda dagaalo xoogan iyo weeraro oo ay ku qaadeen Ruushka oo Ciidankiisa gudaha u galeen Caasimadda dalkaas, waxaana Ukraine kunool dad Soomaali ah oo qaarkood ka barakacay dalka, iyagoo aaday dalka Poland.