Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Magaalada Boosaaso.
“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariisto Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qaraxii argagixisnimo ee ka dhacay Boosaaso†ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaayay qaraxii shalay dhacay.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah tacsi ugu diray dhammaan ehelkoodii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen labada Nabadoon, wuxuuna sidoo kale Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka dhowaad 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay Maqaayada ku taalla Boosaaso, waxaana dadka dhaawacmay durbadii la geeyay Isbitaalka Magaalada.
Dadka wax yeelada kasoo gaartay qaraxa miinada ahaa ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan Nabadoono shalay ka qayb galay kulan lagu taageerayey Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan.