Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa saqdii dhexe ee xalay hakiyey qabashada tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir, uuna haatan u sharaxan yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Federaalka, uuna ku saxiixnaa Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga ay soo gaareen cabashooyin ka yimid Odayaasha iyo Nabaddoonada leh kursiga tirsigiisu yahay HOP086.
Guddiga doorashada ayaa Guddiyada doorashada Hirshabeelle iyo kuwa Xallinta Khilaafaadka ka dalbaday inay hakiyaan qabashada doorashada kursiga HOP086, inta laga xallinayo cabashada ay soo gudbiyeen Odayaasha iyo Nabaddoonada.
Intaas kadib Bogga Facebook ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa laga saaray Waqadii lagu Amrayey in lagu hakiyo kursiga tirsigiisu yahay HOP086 ee uu ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP086 ayaa waxaa deegaan doorashadiisa tahay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana u sharaxan Fahad Yaasiin, iyadoona shalay la soo saaray Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashada kursigaas oo uu doonayo La-taliyaha amniga Qaranka.