Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen laguw adaa in uu gaaro  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo xaalad kacsanaan ah ay ka tahay, taasi oo la xariirta imaanshiyihiisa.
Safarka Cali Guudlaawe ee magaalada Beledweyne ayaa hore dhowr jeer dib u dhac ugu yimid, sababo la xiriiray kacdoono looga soo horjeeday imaatinkiisa oo ka jiray magaalada.
Garoonka diyaaradaha waxaa lasoo sheegayaa in ay ka degeen dhowr diyaaradood oo sida wafdi hor dhac ah, inkastoo aan la xaqiijin.
Ciidamo kamid ah kuwa Kacdoonka oo aad u hubeysan ayaa dhanka Hiiraan Bile ilaa Airportka Ugaas Khaliif isku fidiyay waxaana ay xooga saarayan sidii loo hor istaagi lahaa Cali Guudlaawe oo kusii jeeda maanta Beledweyne.
Waxaana taas kasiii horreysay in Waddooyinka magaalada Beledweyne gaar ahaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta ciidamada Lamagalaay ayaa waxaa xalay xirey ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.
Dhanka kale Janaraal Xuud oo xalay xilli dambe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xasillooni darro laga wado magaalada Baledweyne, taas oo uu sheegay inay tahay in laga digtoonaado.
“Shalay waxaan diidnay in Cali Guud-laawe uu Baladweyne Tago maanta oo aan Muqdisho joogana waan diiddanahay, wax wadahal ah oo ina dhexmaray ma jiro marka sidee ayuu noogu imaan karaa isagoo xaq-yagii haysta? Ma kibirbaa? Ma nihin dad loola yimaado edeb-darrada noocaas oo kale ah haddii aanu nahay reer Hiraan.”ayuu yiri Janaraal Abuukar Warsame Xuud