Xaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saaka kacsan, xili Gudaha Magaalada lagu arkayo Ciidammo aad u hubyyan oo lasoo dhoobay qaybo ka mid ah Xaafadaha.
Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in haatan ay dareemayaan xaalad cabsi ah, maaddaaama sida ay sheegeen ay Ciidanka mucaaradka ahi ay gaadiid dagaal soo dhoobeen waddooyinka waa weyn.
Ciidanka lasoo dhoobay waddooyinka magaalada ayaa waxaa la sheegay in ay ka hortagi doonaan isku dayo la sheegay in la doonayo in uu Magaalada baladweyne ku tago Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Horay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa uga dhacay dagaalo khasaaro badan dhaliyay oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Hirsahbeelle oo dhinac ah iyo xoogagga kacdoonka ah ee hubaysan,kuwaasi oo kasoo hor jeeda Maamulka Cali Guudlaawe.