Guddiga maamulka doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo shaaciyay Jadwalka doorashada 8 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka Soomaaliya .
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta ku tartamaya 8-da kursi ay bilaabaneyso 1 bisha soo socota ee Febraayo 2022.
Guddiga ayaa shaaciyay in doorashada kuraasta tirsigoodu kala yihiin Hop#270, Hop#271, Hop#218, Hop#226, Hop#269, Hop#268, Hop#267 iyo Hop#236 la qaban doono bisha 2-da bisha Febraayo, waxaana doorashada ka dhaceysaa Magaalada Muqdisho.
Guddiga maamulka doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa si dardar leh u wada qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana haatan la doortay 24 Xildhibaan oo kasoo jeeda Somaliland, halka kuwo kalena ay weli harsan yihiin.