Wafdi ka socday Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland, iyada oo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.
Wafdigaan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Khilaafaadka Maxamed Cawil Warsame ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga doorashada Maamulka Puntland.
Ujeedka wafdiga ka socday Guddiga Khilaafaadka ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda oo Maanta ka bilaabatay Magaalada Garoowe.
Sidoo kale Guddoomiye Maxamed Cawil Warsame iyo xubnaha la socda ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona Guddiga doorashada Puntland iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadli doona dardar-gelinta howlaha doorashada.
Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maanta waxaa ka bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, waxaana halkaas lagu doortay kursigii ugu horreeyay oo uu kusoo baxay Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo ah Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland.