Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Maamulka Hirshabeelle oo maalmo kahor dhaawac kasoo gaaray qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Sarkaalka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Faarax Xasan Xuseen, isla markaana waxa uu kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Hirshabeelle, isagoona maalmihii lasoo dhaafay dhaawacii kasoo gaaray qaraxa lagu dabiibayay Muqdisho.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Gaashaanle Faarax Xasan Xuseen oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Booliska Maamulka.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Sarkaalka uu kamid ahaa saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Booliska, wuxuuna Madaxweyne Cali Guudlaawe geerida Sarkaalka uga tacsiyeeyay eheladii, qaraabadii iyo Taliska Ciidanka Booliska Maamulka ee uu ka baxay.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ee uu marka hore dhaawaca kasoo gaaray Gaashaanle Faarax Xasan Xuseen, isagoona markii dambe u dhintay.