Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Dina Mufti oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Addis Ababa ayaa wax laga weeydiiyay booqashadii uu dhowaan halkaas ku tagay amadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Afhayeen Dina Mufti ayaa wax laga weydiiyey
booqashada Madaxweyne Biixi inay dhaawici karto xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay. “Ma jirto wax isbadal ah oo ku dhacay moowqifkeenii Soomaaliya ku aaddanaa, mana doonayno in imaanshaha Biixi ay dhaawacdo xiriirka nalaga dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somailand, Dr Ciise Kayd Maxamuud, oo ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xilliga ay tageen ay ahayd xilliga ugu munaasibsan oo ay safar ku tagi karayeen dalka Itoobiya.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in kulanka dhex marey wefdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi, iyo Ra’iisul Wasaarahaha Itoobiya loogga hadley dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka mandiqadda Geeska Afrika.
Si kastaba Biixi ayaa maalmo kahor waxaa uu booqasho ku tagay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, kadib markii uu casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, waana booqashadii koowaad tan iyo intii uu dagaalka ka biloowday Itoobay.