Askari ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Ciidanka Booliiska ayaa lagu fuliyay dil toogasho ah oo horay loogu xukumay, kadib markii uu dil bareer ah u gaystay qof shacab ah.
Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan “Dhafoor†ayaa lagu fuliyay Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum uu horay u dilay, waxaana uu ka tirsanaa Askarigu  Daraawiisha Ciidanka Boliiska.
Marxuumka uu dilka u gaystay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle, waxaana dilku uu ka dhacay Saldhiga Degmada Luuq, halkaasi oo la sheegay in si bareer ah uu u dilay marxuumka Bajaajlaah ahaa.
Qisaasta ka dhacday fagaaraha Barxadda toogashada Luuq-Ganaane, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan qoyska Marxuum Sugow Gaarane Ciyow.