Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax Madaxweyne ayaa ka hadlay kulankii xalay dhexmaray Midowga Misharaxiinta iyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ku qabsoomay aalada foggaan arraga ah.
Xasan Sheekh oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka Golaha iyo Midowga Musharaxiinta looga wada hadlay sida doorashada dalka ka dhaceysa looga hor leexi lahaa caqabadaha ku hor gudban.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Midowga uu soo jeediyay in kulan fool ka fool ah ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga isugu yimaadan, si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah
Kulankii xalay ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay inuu ahaa tallaabo dhinaca saxda ah loo qaaday, isla markaana waxaa uu caddeeyay in mowqifka Midowga Musharaxiinta aanu waxba is ka baddalin ilaa billowgaas fiican uu miro dhal noqdo.
“Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran & Midowga Musharaxiinta waxaan uga wada hadlnay sida doorashada looga hor leexi lahaa caqabadaha ku hor gudban. Midowgu waxa uu soo jeediyay in kulan fool ka fool ah la isugu yimaado si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah†ayuu yiri Xasan Sheekh.
Midowga Musharaxiinta ayaa Golaha Wadatashiga Qaran ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka, wuxuuna Golaha isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka.