Taliska Booliska AMISOM ayaa 25 Sarkaal oo ka tirsan Booliska maamul Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya tababar uga furay Magaalada Baydbabo ee Xarunta Gobolka Baay ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.
Tababarkan oo socon doona muddo Todobaad ah ayaa wuxuu ku saabsan yahay ka hortagga falalka amni darro ee xiliyada qaar dhaca, is-dhaafsiga xogaha, baadi goobka iyo soo qabashada tuhmanayaasha.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, Col, Amiin Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in koorsadan ay sare u qaadi doonto awoodda Booliska Koonfur Galbeed, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, iyagoo kaashanaya bulshada.
Bisong Ejue, oo ka tirsan saraakiisha AMISOM ee tababarka bixineysa ayaa sheegay in la dagaallanka Al-shabaab iyo ilaalinta bulshadu ay tahay mudnaanta koobaad ee uu siminaarkani u leeyahay Booliska.