Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan, kaasi oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Ugu horayn Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah, iyadoo wasaaradu ay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeyeen.
Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa sheegtay in xoolo ku dhow sadex kun oo neef inay u dhinteen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaanka.
Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sameeyo wabiga Juba.
Ugu danbayntii Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruux shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameeyay ayaxa ku habsaday qeybo kamid ah Jubaland, iyadoo qeybta ugu horaysa lagu bilaabayo todobo iyo toban kun oo qoys si hordhac ah.