Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay halkaas uu ka dhacay weerar lagu qaaday Guri uu Garoowe ka degan yahay Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland.
Rag hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa weerarkaas ku qaaday Guriga uu Garoowe ka degan yahay Taliye Maxamed Aadan Jaamac oo ku yaalla xaafadda 1-da August ee Magaaladaas oo kamid ah Xaafaddaha sida weyn loo ilaaliyo amnigeeda.
Dad ku sugan Magaalada Garoowe ayaa u sheegay warbaahinta in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo daqiiqado socotay, taas o ka dhaceysay aaga Guriga Taliyaha Booliska Nugaal Maxamed Aadan, wallow markii dambe rasaasta istaagtay.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dableyda hubeysan ee weerarka qaaday ay iska cabin kala kulmeen Ilaalada Taliye Maxamed Aadan Jaamac ee Guriga joogay, mana jiro khasaaro ka dhashay weerarkaas.
Taliska Booliska Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Guriga uu Xaafadda 1-da August ee Garoowe uu ka degan yahay Taliye Maxamed Aadan, waxaana xusid mudan in raggii ka dambeeyay weerarka ay goobta ka baxsadeen.