Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Taliyaha Booliska Soomaaliya, Taliska Booliska AMISOM iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi.
Kulanka ayaa waxaa marka hore looga hadlay diyaar garoowga ku aadan qabsoomida doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo la filayo in maalmaha soo socda bilaabato.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddoonka Guddiga doorashooyinka Somaliland faray inay dardar-geliyaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare, isla markaana la dhameystiro howlaha yar ee harsan, si dib u dhac ugu imaan doorashada.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Taliska Booliska AMISOM howlaha sugida amniga doorashada Aqalka sare ee Somaliland, isagoona ka dalbaday labada dhinac inay iska kaashadaan sugida amniga doorashada.
28-ka Bishaan September ayaa lagu wadaa in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Senatorada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ku matelaya Aqalka Sare, kadib markii shalay la soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta.