Kooxda K/cagta ee Jaalliyadda Soomaalida deggan magaalladda Wellington ee dalka New Zealand waxay maanta oo Axad ah ku guuleysteen Koobka K/cagta ee Sannadka 2015-ka ee Jaalliyadaha ku nool dalka New Zealan “The 2015 New Zealand Communities Football Cupâ€
Kooxda Jaalliyadda Soomaaliyeed waxay ciyaarta Finalka la ciyaareen Kooxda Jaalliyadda dalka Poland ee ku nool magaalladda Christchurch, waxayna kaga badiyeen 4 gool iyo Eber.
Waa Sannadkii Labaad oo xiriir ah oo ay Kooxda Jaalliyadda soomaalida ku guuleystaan Tartankaasi oo sannad kasta la qabto.
Xiriiriyaha Tartankaasi, Tayo Agunlejika ayaa sheegay in Kooxda Soomaalida ay ku jireen 3 Somali British, kuwaasi oo Kooxda Soomaalida ka caawiyey inay ku guuleystaan Koobka K/cagta Jaalliyadaha ee sannadkan 2015-ka.
Labo Xarigle Rakesh Naidoo oo ka tirsan Bolika dalka New Zealand ayaa sheegay in Tartanka K/cagta ee Jaalliyadaha ku nool New Zealand la bilaabay sannadkii 2008-dii, si Jaalliyadaha loogu dhiirigeliyo inay noqdaan Mujtamac Wanaagsan iyo in dad meel la isugu keeno tahay arrin Farxad leh.
© Radio Dalsan
Xigasho: Stuff