Bogga rasmiga ah ee Telefashinka Qaranka ee SNTV ayaa laga saaray Wareegtada magacaabista cusub ee uu daqiiqado kahor soo saaray Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Bogga SNTV ayaa marka hore si deg deg ah loogu daabacay Wareegtada uu Farmaajo ku magacaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, La-taliyaha amniga Qaranka iyo kusimaha Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe uu Amar ku bixiyay in Bogga SNTV laga bixiyo Wareegtada uu saaray Madaxweyne Farmaajo, halka weli aan la saarin Wakaalada Wararka SONNA iyo Radio Muqdisho.
Barta Facebook ee Madaxtooyada ayaa lagu daabacay oo kaliya Magacaabista uu sameeya Madaxweynaha, halkaas oo Warbaahinta Maxaliga ay ka qaateen Qoraalka magacaabista Mas’uuliyiinta cusub.
Wareegto uu soo saaray Farmaajo ayaa waxaa marka hore xilka Agaasimaha guud ee Madaxtooyada loogu magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wareegtada uu soo saaray ku caddeeyay inuu aqbalay Istaqaalo uu u soo gudbiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin ee uu xilka qaadista ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin u magacaabay inuu noqdo taliyihiisa dhinaca Amniga, halka Taliyaha NISA si KMG ah uu ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir,