Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in Labo Jihadistayaal British ah isbuucan lagu dilay dagaal dhex maray Dagalaamayaasha Alqaacida iyo kuwa Jabhadda Alnusra Front ee ku wada sugan gudaha dalka Syria.
Labada Jihadiste ee Britishka ee lagu dilay iska horimaadkaasi ayaa kala ahaa: Khalid as-Sumali oo Somali-British ah iyo Abu Baasir al-Britaani oo asalkiisu Hindi ahaa.
Jihadistaha Soomaaliga ee Khalid As-somali ayaa la sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay magaalladda Idlib ee dalka Syria.
Ma aha markii ugu horreysay oo Muwaadinin haysta Dhalashadda Britain lagu dilay gudaha dalka Syria, waxayna Dowladda Britain rumeysan tahay inay ugu yaraan 700 Jihadiste British ah ka garab dagaalamayaan Kooxaha Islaamiyiinta ee ku kala sugan dalalka Syria iyo Iraq.
Boliska Britain waxay sheegeen inay kala bar dib ugu soo laabteen dalka Britain, halka in ka badan 100 kalena lagu dilay dagaalladda.
 © Radio Dalsan      Â