Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad ee deegaanada Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo sabti ah xukun ku ridey laba askari oo dil ka geystay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Dable Boolis Abaadir Isxaaq Nuur oo xaaskiisa ku diley xaafada isha ee Baydhabo ayaa Maxkamadda Ciidamada ku ridey xukun dil ah, kadib markii Xafiiska xeer ilaalinta Maxkamada ku eedeysay in uu si Bareer ah u diley xaaskiisa.
Sido kale Maxkamadda ayaa xukun ku ridey Askari ka tirsanaa Ciidanka Dulmi-diim Dable Maxamed Buule Ahmed oo isna Baydhabo ku diley Maxruum lagu magacaabi jiray Ali Xasan Dooyow.
Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada ayaa Maxamed Buule ku xukuntay Boqol halaad oo geel ah Magta Marxuumka uu diley ah iyo 5-sano oo Xabsi Ciidan ah, Sida uu Xukunka Uu ku dhawaaqeyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60-aad G/Sare Adan Abuukar Maxamed.
Si kastaba Maxkamadda Ciidamada Qeybta 60-aad ayaa horey sidaan oo kale waxaa ay xukuno kala duwan oo isugu jiray dil iyo xarig ugu riday Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo dilal ka geystay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.