Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in aysan aqoonsanayn Hay’adda Shidaalka Soomaaliya, heshiisyada iyo shaqada ay qabto Hay’addu, iyo sidoo kale Wasaaradaha ku shaqada leh Shidaalka, kuwaasi oo heshiisyada la gala shirkadaha caalamiga ah.
Warqad kasoo baxday Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Maamulkaasi ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba aysan aqoonsanyn heshiisyada ay gasho Hay’adda Shidaalka Soomaaliya “Somali Petroleum Authorityâ€, waxaana sidoo kale lagu sheegay Qoraalkaasi in wakhtiga Xukuumadda uu uga eekaa 8, February 2021, sidaa darteedna aysan awood u laahyn in ay gasho heshiisyo Caalami ah.
“Dowladda Puntland Kama mid aha mana aqoonsana Hay’adda Shidaalka Soomaaliya “Somali Petroleum Authorityâ€, sidoo kale Puntland ma aqoonsana heshiisyada iyo shaqada xaruntaasi (SPA). DFS maadaama uu wakhtiga uga eekaa 8, February 2021, hadda oo ay xil gaarsiin uun yihiin awood uma lahaa in ay heshiisyo caalami ah galaan” ayaa lagu yiri Qoraal Kasoo baxay Puntland.
Sidoo Warqadda Kasoo baxday Maamulka Puntland ayaa shirkadaha Shidaalka u soo jeediyay in aysan wax heshiis ah galin tan iyo inta Dowlad Cusub lasoo dhisayo, oo dalku uu doorashada ka baxayo.
“Puntland waxay u soo jeedinaysaa Shirkadaha daneenaya Soomaaliya inay ka qaataan Shatiyada Hydrocarbon-ka in ay sugaan inta dalku doorashada ka baxayo, oo ay dowladd cusub imanayso, waayo iyada awood u leh oo laga raba in ay ka shaqeyso maamulka kheyraadka si heshiis lagu wadayahay” ayaa lagu yiri Qoraalka Kasoo baxay Wasaaradda Tamarta Macdanta iyo Biyaha Puntland.
Xukuumadda Federaalka ayaa inta badan waxaa ay heshiisyo waa weyn la saxiixataa shirkado Caalami ah, kuwaasi oo qaarkood ay ka howlgalaan shidaal qodista.