Faahfaahin ka soo baxayso Diyaarad Milliteri oo ku burburtay dalka Filibiin
Ugu yaraan 17 Askari ayaa ku geeriyootay, 40 kalena waxaa la dhigay Isbitaalka, kadib, markii ay Diyaarad Xamuul oo nooceedu ahaa C-130 Hercules saakayato ku burburtay Jesiiradda Jolo ee Koonfurta dalkaasi.
Wasiirka Difaaca ee Filibiin, Delfin Lorenzana ayaa sheegay inay 92 Askari, 3 Duuliye iyo 5 shaqaale la socdeen Diyaaradaasi oo ku burburtay Tuulladda Bangkal ee Degmadda buuraleyda ee Patikul.
Diyaaradda waxay ku wajahnayd Jesiiradda Jolo oo 1,000 KM dhanka Koonfureed kaga toosan caasimada dalkaasi ee Manila.
Ma cadda waxa sababay burburka, iyadoo Wararka sheegayaan inuu Duuliyihii seegay ama ka habaabay inuu Diyaaradda ku dejiyo Dhabaha ay Diyaaradaha caga-dhigtaan ee Garoonka.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka Filibiin, Jeneral Kiriliti Sobejana waxa uu sheegay inay Diyaaradda Ciiddan u soo daad-guraysay Degmadda buuralayda ee Kagayan De Ora oo u dhow Deegaanada ay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Abu Sayaaf ee Halganka ugu jira sida ay Maamul ugu helaan Jesiiradda Jolo oo ay deggan yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay.
Diyaaradda C 130 Hercules ee ku burburtay Koonfurta Filibiin waxay ka mid ahayd 2 Diyaaradood oo noocaasi oo ay Ciiddanka Maraykanka ugu deeqeen dalkaasi bilowgii sanadkan.