Waxaa Maalintii labaad Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka socda Shir u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda maamul Goboleedyada ee dalka.
Shirkaan oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashada dalka.
Sidoo kale Shirka Madaxda ayaa warbixin lagaga dhageysanayaa Kooxda la taliyeyaasha Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka, iyagoona Warbixin siinaya Madaxda.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Shirka ay ka qeyb geli doonaan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, kuwaasi oo tababar ku saabsan howlaha doorashada uga socda Magaalada Caasimadda ee Muqdisho.
Shirka ka furmay Teendhada Afiysooni ayaa waxaa shalay Madaxda isaga xog-wareysteen waxyaabaha u qabsoomay, horumarada la sameeyey iyo haddii ay jireen caqabado mudadii bisha ahayd ee ay kala maqnaayeen, kadib heshiiskii la gaaray.
Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoomiye Cumar Finish, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo ku maqan dalka Turkiga ayaa qadka ZOOM-ka uga qeyb galaya Shirka maalintii labaad ka socda Afisyooni.