Boliska Jesiiradda Malata ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin Somali ah oo lagu eedeynayo inuu ka shaqeysto Is-xambaarka, isla markaana uu dad badan oo Somali iyo Syrian ah soo geliyey Malta.
Boliska waxay sheegeen inay Ninkaasi qabteen xalay oo Sabti ahayd, isla markaana ay ku raad-joogaan Mukhalas kale oo Somali ah oo baxsaday.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Malta ayaa lagu sheegay inay Dowladda iskaashi la yeelatay dalal kale oo Europe si loo qabto Shabakadad Dembiilayaasha ee Nidaamka Isxambaarka dadka uga soo dhoofiya Talyaaniga, si ay isaga dhiibaan Jesiiradda Malta, kuwaasi oo wata Baasabooro Macmal ah.
Ku-dhawaad 30 qof ayaa la rumeysan yahay in nidaamka Is-xambaarka lagu soo geliyey Malta tan iyo bilowgii sannadkan 2015-ka.
Xukuumadda Malta waxay sheegtay in dadka Isxambaarka lagu soo geliyey Malta aysan wax xirrir ah la lahayn Argagixisadda, balse waxaa arrinkaasi gaashaanka ku dhuftay Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Malta, Simon Busutil.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay inaan isaga laga iibin karin inay dadkaasi runtii yihiin dad shaqo-doon ah.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay in 2 nin oo u dhalatay dalka Syria lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Jiyampino ee magaalladda Rome, xilli ay doonayeen inay Baasabooro macmal ah ugu dhoofaan dalka Malta.
Labadaasi nin oo da’dooda kala ahayd 18 jir iyo 19-jir ayaa waxay kala wateen Baasabooro Faransiis iyo mid Norwegian ah oo la been abuuray.
© Radio Dalsan