Ciidanka Ilalaada Xuduudaha ee dalkaasi ayaa waxay sheegeen inay burburiyeen Hulal ama godad dhulka hoostiisa ku yaalla oo laga soo gudbin jirey Tahriibyaasha, Hubka iyo Noocyada Daroogada.
Afhayeenka Ciiddanka ee dalkasi, Tamer Al-Rafaaci ayaa waxa uu Bartiisa Facebook shalay soo dhigay War Saxaafadeed uu ku muujiyey dadaalka ay Ilaaladda Xuduudaha fuliyeen bishii la soo dhaafay.
Waxa uu tilmaamay in Ciidanka hawlgallo ka fuliyeen Hulul qarsoodi ah oo Kooxo Dembiilayaal ah adeegsan jireen, waxaana gacanta lagu dhigay 125,000 oo xabbo oo rasaas ah, 50 qori, 3 Telefoonada Toraayaha (Three satellite Phonse), Cadad badan oo Lacagta Giniga Masaarida iyo boqolaal tan oo noocyada Daroogada.
Afhayeenka ayaa waxaa kale oo uu tilmaamay inay burburiyeen 5 Hul (Tunnels), kuwaasi oo aan mar kale loo isticmaali doonin Tahriibinta hubka iyo Daroogada.
Afhayeenka waxa kale oo uu xusay in la qabtay 75 Gaari oo si kontorobaan looga soo gudbiyey Hulalka la burburiyey. Waxaa kaloo la fashiliyey 2,750 Isku-dayo Tahriibin sharci-daro ah oo jihooyin kala duwan laga soo gelin lahaa.