Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah yeeshaan Shirkoodii saddexaad oo ay uga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.
Shirarkii ugu dambeeyay oo ay yeesheen Madaxweyneyaasha ayaa waxaa diiradda lagu saarayay xal u helida caqabadaha ku horgudban shirka guud ee Afisyooni iyo sidii horay loogu sii socon lahaa dalka u aadi lahaa doorasho heshiis lagu yahay.
Madaxda Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa is faham ka gaaray shuruudo horey Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ugu xireen ka qeyb galka shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada.
Shirka saddexaad ee Maanta ay yeelan doonaan Madaxda maamulada ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaan ka doodista qodobka amniga ee shirka Afisyooni iyo in laga heshiiyo ajandaha shirka guud Madaxda.
Madaxda maamul Goboleedyada taagersan dowladda ayaa xalay Madaxweyne Farmaajo la wadaagay Arrimaha Madaxda maamulada ay isku raaceen iyo sidii loo qaban lahaa Shirka looga hadlayo khilaafka doorashada ee ka dhacaya Muqdisho.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horey u diiday ka qeyb galka Shirka doorashada ee Afisyooni, iyagoona shuruudo ku xiray, hayeeshee haatan is faham Madaxda dowlad Goboleedyada ka gaareen shuruudaha ay labada Madaxweyne ku xireen Shirka.